Press "Enter" to skip to content

MADAXWEYNAHA JUBBALAND IYO WAKIILKA QM OO KA WADA HADLAY ARRIMO LA XIRIIRA DOORASHADA

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

“Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira” ahaa lagu yiri war kasoo baxay Jubbaland.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka. Labada dhinac ayaa la filayaa in dhowaad ay faahfaahin ka bixiyaan kulanka.

Xigasho: Kalfadhi.com

Author: Malin News

Be First to Comment

Leave a Reply

War cusub:
%d bloggers like this: