Press "Enter" to skip to content

Gabar Soomaali ah oo dumarka qaba baahiyaha gaarka ah u naqshadeysay labbis caalami ah

Kumanaan qof oo ku nool dunida ayaa sanad kasta la soo daristaa xaalad naafonimo ah, waxaana la sheegaa in qaybo ka mid ah dadkaasi ay niyad jab ku keento xaaladdaasi, hasayeeshee Faaduma Faarah waa hooyo Soomaaliyeed oo deggan magaalada London, waa ganacsato, waxaanay naqshadeysay dhar ay xiran karaan dumarka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan naafada ka ah lugaha, Iyadoo ka qayb gashay xaflada xayeysiinta dharka ee London Fashion Week oo ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu sameeyo xayeysiinta dharka.  

Fadumo waxay isticmaashaa baabuurka yar ee dadka baahiyaha gaarka qaba isticmaalaan, laakiin kuma aysan dhalan baahidan gaarka ah.

Sannadkii 2011kii xanuun ku dhacay ayaana sababay.

Guriga ay London ka degan tahay waxaa ku booqdey wariyahaha VOA Qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail, sheekadan ayaana dhex martey iyadda oo Faduma ku bilaabeysa qofka ay tahay.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

War cusub:
%d bloggers like this: