Press "Enter" to skip to content

Ciidamada PSF ee Puntland oo dilay laba nin 'oo qarax u dhigay'

Laba qarax oo is-xigay ayaa maanta lala beegsaday kolonyo gaadiid oo siday ciidamada PSF ee Puntland oo marayey meel ku dhow tuulada Xamure ee degmada Balidhidin ee gobolka Bari, waxaana qaraxyadaas ku dhaawacmay hal askeri.

Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF ayaa VOA u sheegay in qaraxa kadib ay toogasho ku dileen laba nin oo ku tilmaamay inay ahaayeen kuwii dhigayey miinada, oo uu ka mid ahaa nin kaamiro watay oo dubayey sida qaraxyadu u dhaceen.

Sida uu sheegay sarkaalka, waxaa halgalkaas dhinaca Puntland kaga dhaawacmay laba askeri.

Maalintii Sabtida ee 26-kii June ayay aheyd markii qarax lala beegsaday ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo maalmahan booqasho ku joogay magaladda Balidhidin, qaraxaasoo sababay dhimashada laba askeri iyo dhaawacyo kale.

Be First to Comment

Leave a Reply

War cusub:
%d bloggers like this: